Marxuum Cabdiraxman Maxamed Hurre


 

Toronto,(Lasanod Online): Waxaa Allah ha naxariistee shalay ku geeriyooday cisbitaal ku yaala magaalada Toronto, Marxuum Cabdiraxman MAxamed Hurre..

Waxaanu halkan tacsi ugu dirayaa dhamaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey marxuum Abdirahman M Hurre.

Abdirahman Hurre oo mudo ilaa 7 sanno ah ku jiray Isbitaal ku yaal magaalada Toronto ayaa shalay maqribkii ku geeriyoodey magaalada Toronto.

Alle ha u naxariiste wuxuu marxuum Hurre ka tirsanaan jirey shaqaalihii Wasaarada arimaha Dibada Ee Somalia,isagoo xilal Diplomacy nimo ka soo qabtay magaalooyinka New York ,Khartuum,Moscow iyo Ottawa,Canada.

Isagoo ka mid ahaa odayaasha jaaliyadda reer SSC ee dalka Canada.. siiba magaalada Ottawa oo marxuumku deganaan jiray.

Dhamaan bahda shabakada Lasanod waxay tacsi u dirayaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka gaeeriyooday Marxuum Abdirahman M Hurre. Marxuumkana inuu ilaahay Janadii ka waraabsho.. Amiin.. Amiin

 

 

Maqal iyo Muuqaal










Lasanod Advertising
LasAnod.com© All rights reserved., Design by Sheelco,Inc.
Contact Webmaster at: admin@lasanod.com