Barlamaanka Somalia Oo Ansixiyey Wasiir Ku xigeeno Iyo Wasiiru Dawlayaal-
Lasanod Online. Saturday, December 29, 2012


 

Muqdisho,(lasanod Online)- Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay wasiir ku xigeennada iyo wasiir u dowlayaashii..

uu dhawaan soo magacaabay Ra'iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), kuwaasoo ka koobnaa 35-xubnood.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa ansixinta ka hor waxay dood adag ka yeesheen wasiir ku xigeenada iyo wasiir-u-dowlayaasha; waxaana xildhibaanadu ay muujiyeen kala fikir duwanaasho adag, iyagoo ugu dambeyna cod la geliyay xubnaha cusub ee golaha wasiirada.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Shiikh Cismaan (Jawaari) oo shir-gudoominayay kulankii maanta ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta isagoo sheegay in 138 mudane ay ogolaadeen wasiir ku xigeenada iyo wasiir u dowlayaasha, iyadoo ay diideen 12 xildhibaan oo keliya, mana jirin cid aamustay.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka wuxuu sheegay in wasiir ku xigeenada iyo wasiir u dowlayaasha la ansixiyay maanta ay yihiin kuwo howshooda wadan kara, iyadoo tani ay ka dhigayso in xukuumada Soomaaliya ay tahay mid la siiyey kalsooni ay ku shaqayso.

Copyright © 2013 Lasanod.com

 

Maqal iyo Muuqaal










Lasanod Advertising
LasAnod.com© All rights reserved., Design by Sheelco,Inc.
Contact Webmaster at: admin@lasanod.com