Wafdigii Dawladda Oo Kasoo Noqday Kismaayo-
Lasanod Online. Saturday, December 29, 2012


 

Muqdisho,(lasanod Online)- Wafdigii Xukuumadda Soomaaliya ee dhowaan tegay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose,

ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Wafdigan oo ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa halkaas faahfaahin ku siiyay Saxaafadda, iyagoo uga warbixiyay Safarkoodii Kismaayo.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya,Cabdi Xakiin Xaaji Max’uud Fiqi oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyay in inti ay ku sugnaayeen Magaalada Kismaayo ay halkaas kula kulmeen Waxgarad ,Saraakiil iyo Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku sugan Kismaayo.

Wasiirka ayaa tibaaxay in meel fiican ay u mareyso arinta Jubooyinka oo la rajenayo in Maamul wacan loo dhiso iyo wax kaqabadka xaalada amaanka ee Gobollada Jubooyinka.

Dhawaan ayey ahayd markii Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay gaadheen Magaalada Kismaayo, halkaas oo ay ku sugnaayeen Muddo 2 Cisho ah.

Copyright © 2013 Lasanod.com

 

Maqal iyo Muuqaal










Lasanod Advertising
LasAnod.com© All rights reserved., Design by Sheelco,Inc.
Contact Webmaster at: admin@lasanod.com