Nabadoon Lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo-
Lasanod Online. Friday, December 28, 2012


 

Gaalkacyo,(lasanod Online)- Waxaa caawa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug lagu dilay mid kamid ah Nabadoonada gobolkaas..

oo lagu magacaabo Gaboobe Aaden Dalab.

Marxuumkan ayaa xilliga la dilay kasoo baxay masaajidka salaadii Cishe, waxayna koox hubeysan ku dhex toogteen xaafada Israac ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Ehelada Marxuumka ayaa u xaqiijiyey warbaahinta geerida Marxuumka oo la sheegay inuu dhaawac culus kasoo gaadhay, weerarkan kadibna uu ku geeriyooday cusbitaalka magaalada Gaalkacyo oo dhaawaciisa loola cararay.

Ma jiraan cid dilkan loo soo qabtay, wuxuuna dilkani kusoo beegmayaa xili muddooyinkii lasoo dhaafay ay magaalada Gaalkacyo ka nasatay falalka dilalka qorsheysan ee lala beegsanayey dadka waxgaradka iyo Nabadoonada magaalada Gaalkacyo.

Nabadoonkan ayaa kamid ah xubnaha sida weyn looga yaqaan magaalada Gaalkacyo.

 

Copyright © 2013 Lasanod.com

 

Maqal iyo Muuqaal










Lasanod Advertising
LasAnod.com© All rights reserved., Design by Sheelco,Inc.
Contact Webmaster at: admin@lasanod.com