Askari Kenyan Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Mandheera-
Lasanod Online. Friday, December 28, 2012


 

Mandhera,(lasanod Online)- Dabley hubeysan ayaa xalay ku dilay magaalada Mandhera ee dalka Kenya mid kamid ah askarta ciidamada Booliiska..

oo ku gudajiray hawlgalo amniga lagu sugayo.

Labo kamid ah ciidamada Kenya ayaa waxaa weerar ku qaaday sadex nin oo ku hubeysan bistoolado xili ay roondo ku marayeen bartamaha magaalada Mandhera oo saaran xadka u dhaxeeya dalka Soomaaliya iyo Wadanka Kenya.

Weerarkan ayaa dhacay xalay wakhti danbe iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay ciidamada amniga ee Kenya ku jireen hawlgalo amniga lagu sugayo. Waxaa jirtay cabsi ah in kooxda Al Shabaab ay weeraro ka fuliyaan gudaha dalka Kenya xiliga lagu jiro ciida masiixiga. Waxaana sidoo kale sare loo qaaday roondooyinka ay Booliiska ku sameeyaan goobaha la isugu yimaado iyo xarumaha ay ku cibaadeystaan dadka Kenyaanka ah.

Sirdoonka Kenya ayaa hore u sheegay in Kooxda Al Shabaab ayaa ay balan qaaday inay bixin doonto lacag gaareysa 8kun oo dollarka Maraykanka ah hadii la dilo saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya.

Dableyda xalay askariga ku dishay magaalada Mandhera ayaa waxaa la sheegay in sidoo kale ay ka qaateen Qorigii uu lahaa askarigaasi oo lagu sheegay inuu ahaa qoriga nooca loo yaqaan G3.

 

Copyright © 2013 Lasanod.com

 

Maqal iyo Muuqaal










Lasanod Advertising
LasAnod.com© All rights reserved., Design by Sheelco,Inc.
Contact Webmaster at: admin@lasanod.com