Dhoof Iyo Dhaxal Caashaq-(Qaybtii 3aad)-
Lasanod Online. Friday, December 28, 2012


 

QISO:- DHEELIYAAY ADDUUNYOOY, HADBA DHINAC U CIIRAAY MAXAA YAABKA KUGU DHIGAY, waa qisadii la magac baxday;

 Dhoof iyo dhaxal caashaq..Qaybtii 3aad.

Waxbarashadii ayay Ladan dib u bilowday, casharadiina la qabsatay Liibaan oo dhinaca waxbarashada iyada kaga horreeyey ayayna ka codsatay in  Casharadii dhaafay uu u nakhtiimo,  isagana soo laabashadeeda iyo aragtideeda ayuu ka naxsanaaye way ku adkayd inuu codsigaa  u fuliyo oo wuxuu is lahaa jacaylka ay la wareegeyso ayay qeyb kaaga rogeysaa oo waxay fursad u helaysaa inay warqaddii jawaabteeda ku weydiiso…………………. 

Sidii uu malaysanayay ayaa dhacday oo markii Break Time-kii loo soo baxay ayay meel gaar ah ula baxday oo weydiisay sababta uu u soo booqan waayay iyo jawaabta uu kala soo habsaamay, isaguna wuu ka meermeeriyey oo hadalo gunuunac ah isku dhaafiyey, waxayse u sheegtay kana dhaadhicisay qorshihii ay ku soo wada hadleen iyada iyo Waalidkeed ee ku saabsanaa jacaylkeeda, inkastoo uu in cabbaar ah ka maagey oo ay ku adkeyd haddana si dabacsanaan ah ayuu kaga yeelay oo wuxuu is yiri  bal eeg wixii ka soo baxa, wuxuuna ogolaaday inuu Gurigooda maalin qado ah ku yeesho, taasoo farxad iyo reyn-reyn ay ka qaadday Ladan iyadoo ay ula mid ahayd qof Adduunyada isagoo jooga loogu bishaareeyay janno.

Markii ay soo dhawaatay maalintii la ballamay ee Liibaan qado sharafta loogu samaynayay Guriga Reer OwJaamac ayaa waxaa sii tashaday Waris iyo Seygeeda Jaamac oo ka falanqooday sidii ay wiilkaa ay gabadhooda jeclaatay ka yeeli lahaayeen xaalkiisa.

“Marka hore aan ku shukaamino inuu Gabadheena jacayl wadaag la noqdo, marka ay ku najaxdo jacaylka oo ay ku miyirsato kadib aan farsamo kale oo aan ku kala geyneyno adeegsano”  ayuu la soo booday  Oday Jaamac oo mar kasta diidanaa in Gabadhiisa Mustaqbal wadaag la noqoto  Wiilkaa faqriga ah oo ceeb iyo sumcad xumo ay u soo hoyato.

“Waa sax balse qorshaha koowaad aan marka hore fulinno oo wiilka aan debecsanaan u muujino, oo isaga qudhiisa marka uu ogaado in aan jacayl u wada qabno oo Gabadha iyo waalidkeed wada danaynayaan uu isa soo daadiyo, kadibna qorshihii aan u degno ka sameysano” ayay tiri Waris.

Ladan Hooyadeed iyo aabaheed waxay ka shaqeeyeen sidii ay maalin Guriga u keeni lahaayeen Liibaan oo ay ugala hadli lahaayeen arrimaha jacayl ee Gabadhooda ay u heyso isaga, waxayna muddada qaabilaadda ka dhigteen maalin Khamiis oo ay ku wargeliyeen Gabadhooda Ladan inay Maalintaas Liibaan Guriga keentay.

Markii la gaaray maalintii ballanta Ladanna ay Liibaan ku wargelisay in ay rabto inay waalidkeed iyo isaga is barto oo sidaas ay soo dalbadeen iyaga ayuu inta geesinimo iska baaray ka ogolaaday, wuxuuna maalintaas dhar Toobal-caaro ah ka soo qaatay wiil ay saaxiibo ahaayeen oo marmarka uu meelaha muhiimka ah aadayo dharka lebiska ah uu ka soo qaadan jiray, maalintaasna isagoo shaki  iyo walaac nafsadeed qaba ayuu iska xaadiriyey gurigii Ladan oo loogu sameeyay qado sharaf la mid ah midda loo sameeyo Dadka sharafta iyo qadarinta gaarka ah loo hayo, raashin kala nooc-nooc ah oo uusan weligiis cunin oo ay xitaa ku jireen qaar uusan noloshiisa dhaayo saarin ayaa miiska qadada loo soo saaray, isagana inta karaankiisa ah si fiican ayuu u cunay raashinkii la soo hor qotomiyey oo mid waliba waxoogaa ayuu ka dhadhamiyey si  uu wax uga ogaado.

Markii qadadii uu dhamaystay ayaa Liibaan waxaa loo diyaariyey qubeys, wuxuu la yaabay sida loo soo dhaweeyay oo loo kool-koolinayo weji furnaan ayuu reerkii Ladan ka dareemay, sida uu filanayay iyo fiigsanaantii ku jirtay way ka ba’day, wuxuuna la dhacay qaabka xushmadda iyo qaddarinta leh ee loo soo dhaweeyay.

Markii casarkii la gaadhay oo uu waxoogaa nastay ayaa waxaa qolkii fadhiga oo ay kula jirtay Ladan ugu soo galay Odaygii iyo Marwadiisii Waris oo iyagu qorshe gaar ah soo degay, si diiran ayayna u salaameen, kadibna qorshihii ay ugu socdeen  u daah fureen, waxaana hadalkii furay Ladan aabaheed Jaamac  oo ku yiri:-  “Liibaan wiilkeygiyow i dhagayso, gabadhan Ladan ah ayaan Ubad oo dhan  ka dhalnay (Waa ILAAH mahaddii) iyada ayaa inoo wiil iyo gabar ah, sida ukuntii oo kale ayaan u dhowrnaa, ciddi yar oo xumaan ah inay gaarto uma ogolin, dunidan inay ku ciishootana ma jeclin, wixii qaddar Rabbaani ahna waa iska gaarkeed, laakiin inta karaankeena ah waan ku dadaalnaa, marka sida aad adiguba ogtahay jaceyl ayay adiga kuu qaadday oo weliba la xannuunsatay, maalmana Iskuulka uga maqnayd, marka wiilkeygiyow  waxaan kuugu yeernay in Gabadheena aad jacaylka ay kuu qabto la qeybsato anagana aan kugu dhaqaalayno  oo wiilkeena oo kale aad noqoto, haddii calaf aad isku yeelataana aan anaga oo waalidkeed ah ka faalo qaadno nolosha mustaqbalkiina.”

Inta uusan Liibaan jawaabin ayay Ladan Hooyadeed hadalkii qaadatay oo iyana odaygeeda jidkii uu qaaday mid la mid ah qaadday, Ladan ayaa iyadoo ku faraxsan talo soo jeedintaas inta sare kacday Aabaheed iyo Hooyadeed shumis ku qarqisay…. Liibaanna inta uu sara kacay ayuu salaan cajiib ah u wadaajiyey Ladan, Hooyadeed iyo Aabaheed, wuxuuna u sheegay inay la mid yihiin Waalidkiis oo kale oo warka ay soo jeediyeen uu ku qanacsan yahay isla markaana uu ka ajiibay wuxuuna ku yiri:-  “Run ahaantii waan ogaa in Ladan I jeceshahay, laakiin waxaan is lahaa isku leebal ma tihidin oo adigan faqiirka ah ma geysid, fikirkaas daciifka ah ayaa igu jiray oo sidaas ayaan ugu gaabsanayay laakiin shakiga arrintaas ku saabsanaa hadda wuu iga baxay waxaana arkay wanaaggiina, hadda iyo wixii ka dambeeyana aniga iyo Ladan waad isku kaaya og tihiin”.

Hooyadii Waris ahayd ayaa hadalkii la soo boodday oo tiri:-  “Liibaan sidaa ha u fakarin, Jacaylku waa shey cajiib ah oo ma yaqaano faqiir, taajir, foolxumo, qurux, qabyaalad iyo xigto. Gabar reer boqor ka dhalatay ayuu bari karaa mid tuugsada, wiil  reer Taajir ah ka soo jeedana wuxuu bari karaa gabar booyaaso ah, sidaasina inta badan way dhacdaa, marka sidaa ha u fakarin, anaga reer magaal  ayaanu nahay, casriga ayaan la saanqaadnaa, jacaylkana waanu qiimeynaynaa, aniga iyo  Jaamac ba jacayl aan dhibaato badan ka soo marnay baan isku soo guursanay, marka taa haka baqin, weliba anaga ayaa Ladan  kugu garab siineyna sida aabaheed Jaamac ba uu ku yiri”.

Liibaan xaaddiisa ayaa mid mid u istaagtay farxad darteed ayuu is heyn  kari waayay sidii haadda Samada duusha oo kale ayuu cirka lali gaaray, maalintaasna ugama duwanayn isagoo loo ballanqaaday waxa uu dunida ugu jecel yahay.

Cabaar yar ayaa lakala aamusay oo indhaha la isku goday, daqiiqado kadibna Oday jaamac iyo Xaaskiisa Weris inta ay baaq iljebin ah dhag isu siiyeen  oo hoos ka dhoola-caddeeyeen ayay si wadajir ah u sara kaceen, qolkiina u faaruqiyeen Ladan iyo Liibaan si ay sheekada Jacayl ee  ugubka ku ah u sii miistaan, waxayna si dardaaran ah Liibaan iyo Ladan ugu yiraahdeen “Waa idinkaas…haddee adinka sii ballama oo arrin meel isla dhiga anaga waan idiin firaaqeynay”.

Ladan iyo Liibaan markii loo firaaqeeyay qolka ma jirin mid midka kale la hadla oo xishood ayuu  mid waliba la hagoogtay, qaasatan Ladan xishood Caashaq ayaa soo hujuumay oo maba aha gabadhii Jacaylku ku kowsaday ee dhiiranaan jirtay markay Liibaan sheedda ka aragto.

Markii ay cabaar kala aamusnaayeen oo midba uu kan kale hadalka inuu bilaabo ka sugayo ayaa Liibaan afkii kala qaaday oo yiri “Ladan abaayo run ahaantii Jacaylka aad sheeganaysay inaad ii qaadday waan ka fiigsanaa, dheel-dheel iyo inaad igu cayaarayso ayaan u malaynayay, mana is dhahaynin Ladan ayaa adigoo noocaan ah ku jeclaanaysa, laakiin hadda waan yaqiinsaday, waana ku qanacsanahay oo aniguba daqiiqadihii aabahaa iyo hooyadaa ila hadlayeen adiguna aad baalka iga fadhisay ayuu i saaqay, Walaalay weligey Jacayl ma abuurin kan ayaana ah kii ugu horreeyay ee i soo mara….Run ahaantii inkastoo aan hadda yaqiinsanahay jiritaanka  jacaylka, haddana markii hore jacaylka fikrad xun ayaan ka aaminsanaa oo waxaanba u heystay in uu yahay cayaar-cayaar iyo cillad la iska sheegto oo dadka baagamuuddada iyo kuwa dheregta ka badatay ay isaga faaja-faajoodaan” .

Ladan oo ku qoslaysa isla markaana la yaaban sida wiilku uga dhoohan yahay jacaylka & fikradda qaladka ah ee uu ka aaminsanaa ayaa waxay ku tiri “Liibaanow Aboowe intaas ayaad magaalo joogtay, qof aqoonyahan ah oo waxbarashada ilaa Dugsi sare ka gaaray ayaad tahay, sow ma arag wiil iyo gabar jacayl jilaya ama sow ma maqal lamaanayaal jacayl isku guursaday oo Ubad jacayl ku dhashay isu dhalay, ama ma akhrisan miyaa Buuggaagta  sheekooyinka jacaylka ka qisooda, Idaacadahana kalama aadan socon jirin miyaa sheekooyinka xiisaha badan ee jacaylka ka tarjumaya?.....”
Liibaan oo is xariifinaya ayaa isagoo kuleetiga giijisanaya ku jawaabay ……
Dhamaad qaybtii saddexaad.


La soco qaybta afraad asbuuca danbe haddii alle idmo.

Wixii sixitaan qoraal ah ama talo iyo tusaale ah kusoo hagaaji,
Emailkan: aljasiira_4@hotmail.com

 

- Qaybtii 1aad

- Qaybtii 2aad

Copyright © 2013 Lasanod.com

 

Maqal iyo Muuqaal










Lasanod Advertising
LasAnod.com© All rights reserved., Design by Sheelco,Inc.
Contact Webmaster at: admin@lasanod.com