|
Buhoodle,(lasanod Online)- Munaasabadan oo loo dhigay arday dhamaysay xifdinta quraanka kariimka kana baxday madrasada Daaru Salaam..
ee Magaalada Buuhoodle ayaa maanta ka dhacday Hotel Abdi Guray Plaza ee Magaalada Buuhoodle.
Waxaa munaasibadan kasoo qayb galay Waxgarad, Aqoon yahano, Culumoawdiin, Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle, Waalidiin, Maamulayaasha iyo Macalimiinta dugsiyada kala duwan ee ku yaala Magaalada Buuhoodle iyo Marti sharaf kale aad u tira badan.
Daawo Sawiro
Hadaba munaasibadani oo ahayd mid balaadhan isla markaana lagu daah furay aayaadka quraanka kariimka ayaa waxaa ugu horeynba halkaasi ka hadlay maamulaha madarasada Daara salaam Maxamed Aadan Cali, isagoona ka warbixiyey marxalidihii ay soo martay madarasadu iyo tirada guud ee ardayda ka qalin jabisayba.
Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle Dr. C/shaafi Axmed Cali oo isna halkaasi ka hadlay ayaa si weyn u soo dhoweeyey ardaydani maanta ka qalin jabisay madarasadani Daara salaam ee Magaalada Buuhoodle.
Qaar kamida waalidiinta dhalay ardaydani maanta qalin jabisay oo iyana halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dadaal badan ay lasoo mareen caruurtoodani maanta qalin jabisay.
Waxaa iyana halkaasi hadlay Jiif Caaqil C/laahi Maxamed Dheeg, Axmed Cabdi Guray oo mulkiilaha iska leh Hotel Cabdi Guray Plaza ee Magaalada Buuhoodle iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan, kuwaas oo dhamaantood si weyn u soo dhoweeyey ardaydani maanta qalin jabisay.
Ugu dambeyntii munaasibadan waxay ardayda wax ka barata madarasada Daara salaam ee Magaalada Buuhoodle halkaasi kusoo bandhigeen nashiidooyin aad u qiima badan.
Munaasibadani ayaa kusoo dhamaatay jawi dagan, iyadoona dad weynihii ay kasoo qayb galay munaasibadani ay si weyn u soo dhoweeyeen ardaydani maanta ka qalin jabisay madarasadani Daara salaam ee Magaalada Buuhoodle.
Axmed Maxamed Nadiif,
Lasanod Online. Buuhoodle
|