Wafdi Ka Socda Dawladda Somalia Oo Gaadhay Magaalada Kismaayo-
Lasanod Online. Thursday, December 27, 2012


 

Kismaayo,(lasanod Online)- Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka gaashaandhiga ee Soomaaliya Cabdi Xakiin Xaaji Max’uud Fiqi ayaa maanta gaadhay..

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.
 
Wafdigan waxaa ka mida Xubno kale oo ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya sida Wasiirka arrimaha Gudaha iyo amniga Qaranka Cabdi Kariin Xuseen Guuleed, waxaa kaloo ku jira Siyaasiyiin,Xildhibaano.
 
Garoonka Magaalada Kismaayo ayaa wafdigan waxaa si weyn ugu soo dhoweeyay Saraakiisha Ciidamada Kenya ee Magaalaad Kismaayo ,kuwa Raas Kaambooni iyo Kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Magaaladaas.
 
Wafdiga ayaa kulamo kula qaatay Magaalada Kismaayo gaar ahaan Gegida Diyaaradaha Magaaladaas Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee ku sugan Kismaayo, iyagoo kulankooda diiradda ku saaraya sida ugu habboon ee Gobollada Jubbooyinka Maamul loogu sameyn karo.
 
Ulajeedada safarka Wafdiga ayaa la sheegay in ay tahay sidii kormeer buuxda ay ugu soo sameyn lahaayeen amaanka Magaalada Kismaayo iyo in Maamul laga hirgeliyo Gobollada Jubbooyinka.

Copyright © 2013 Lasanod.com

 

Maqal iyo Muuqaal










Lasanod Advertising
LasAnod.com© All rights reserved., Design by Sheelco,Inc.
Contact Webmaster at: admin@lasanod.com