|
|

Sawir kayd ah
 |
Laascaanood,(lasanod Online)- Maleeshiyo ka amar qaadan jiray madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire oo joogay magaalada Tukaraq..
ayaa u galay Maamulka Somaliland.
Maleeshiyadan oo ka mid ahaa kooxdii maamulka Faroole aaga Tukaraq u fadhiyey ayaa waxaa soo foodsaartay dhibato dhinaca dhaqaalaha ah, kadib markii la waayey gunadii ay ka heli jireen dhinaca Garoowe.
Maleeshiyadan oo ka koobnayd labo gaadhi iyo 9 askari ayaa markay soo gaadheen Duleedka Laascaanood laga duubay muqaal, iyadoo laga dhigayo ciidamo kasoo goostay maamulka Khaatumo, tasoo noqotay waxba kama jiraan.
Waxaana arrintaa ka hadlay oo beeniyey Wasiirka Amniga Khaatumo Maxamed Ducaale oo maanta warbaahinta la hadlay.
Maxamed Ducaale wuxuu sheegay inayan jirin wax ciidan ah oo dhinacooda ka tegay,maleeshiyadan Somaliland u gashayna ay yihiin kuwii Maamulka Puntland ee Tukaraq joogay..
Guud ahaan maleeshiyaadkii ku sugnaa deegaanka Khaatumo ee ka amar qaadin jiray Puntland waxaa hadda soo waajahday dhibaato dhinaca gunada ah, taasoo ay sabab u tahay dhaqaalo xumo ka taagan maamulka Puntland oo hadda xaalad siyaasad murugsani ka aloosantahay.
|