Mudaharaadyo Gilgilay Magaalada Hargeysa-
Lasanod Online. Wednesday, December 26, 2012


 

Hargeysa,(lasanod Online)- kadib markii gudida diiwangelinta Ururada iyo Ansxinta Axsaabta maamulka Hargeysa ay ku dhawaaqeen saddexda Xisbi

ee rasmiga loo aqoonsaday ayaa waxaa banaanbax isugu soo baxay taageerayaasha ururada hadhay, gaar ahaana kuwa taageera Xaqsoor.

Xisbiyada rasmiga ah ee lagu dhawaaqay ayaa kala ah:  Kulmiye oo hore u ahaa xisbi jira, Xisbiga Ucid oo isaguna ahaa xisbi jirey, waxaana saddex ku noqonayaa oo isagu beddelay xisbigii UDUB xisbiga cusub ee Waddani.

Mudaharaadkan ayaa lagu gubaayey Taayiro,iyo waxyaabo kale oo qashin ah,islamarkaana waxaa mudaharadayaashan iska horimaad ku dhexmaray Biriijka weyn ee isku xidha Xaafadaha Koonfurta iyo Badhtamaha Hargeysa Ciidamo Booliisa oo loo dalbaday inay kala eryaan si aan mudaharaadku ugu faafin suuqa dhexe ee Hargeysa.

Dadkan mudaharaadayey ayaa la sheegay inay qabsadeen dhawr gaadhi oo nooca yaryar oo maamulku leeyahay, xoogna kaga dejiyeen dadkii watey oo naftooda la cararay markii baabuurtii laga qabsadey. Baabuurtan ayaa loo kaxaystay xaafadaha Koonfurta Hargeisa balse aan la xaqiijin Karin goobta la geeyay.

Mudaharaadayaasha ayy ku dhawaaqaayay erayo lidi ku ah Siilaanyo iyo kooxdiisa, waxayna warbaahinta u sheegeen inay sii wadayaan mudahraadada ay kaga soo horjeedaan keligii taliyaha Axmed Siilaanyo.

 

Copyright © 2013 Lasanod.com

 

Maqal iyo Muuqaal










Lasanod Advertising
LasAnod.com© All rights reserved., Design by Sheelco,Inc.
Contact Webmaster at: admin@lasanod.com