Barlamaanka Soomaaliya Oo Diiday Ansixinta Miisaaniyadda Sanadka 2013-
Lasanod Online. Wednesday, December 26, 2012


 

Muqdisho,(lasanod Online)- Xildhibaanada Baarlamaanka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta mar kale isugu yimid kulankii..

ay kaga doodayeen miisaaniyadda 2013 ee Wasaaradda maaliyadda dawladda federaalku u soo gudbisey.

Kulanka maanta ee xildhibaanada waxaa soo xaadiray 154 mudane taas oo ah kooram baarlamaanku go’aamo ku gaadhi karo, waxaana wareegii hore shirguddoominayey Guddoomiye kuxigeenka labaad ee baarlamaanka.

Xildhibaanada ayaa si weyn ugu kala aragti duwanaa, waxaana inta badan ay ku doodayeen in kharajka xafiisyada xukuumadda la dhimo.

Nasasho yar kadib waxaa yimid Afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari oo la wareegay shir-guddoonka, waxaana uu siiyey fursad hadal Wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamuud Xassan Suleymaan oo soo xaadirey kulankii maanta, wasiirka ayaa ka codsadey Xildhibaanadu in ay meel mariyaan miisaaniyadda xukuumadda ee 2013.

Mudane Jawaari ayaa go’aamiyey in cod lagu kala baxaayo laakiin waxaa fadhiga isaga baxay 30 mudane kuwaas oo doonayey in kooramku uu noqdo mid aan buuxsamin go’aamada uu gaarona sharci darro noqdaan, waxaa oggolaadey miisaaniyadda 54 Xildhibaan waxaa diidey 70 Xildhibaan halka 30 Xildhibaan ay codeynta banaanka ka ahaayeen.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay isaga oo xiganaya xeer hoosaad baarlamaanku leeyahay in natiijadan lagu dhaqmayo muddo 30 maalmood ah, wasaaradana laga doonayo in ay wax ka beddasho meelaha xildhibaanado dal-daloolada ka arkeen.

Copyright © 2013 Lasanod.com

 

Maqal iyo Muuqaal










Lasanod Advertising
LasAnod.com© All rights reserved., Design by Sheelco,Inc.
Contact Webmaster at: admin@lasanod.com