|
Bosaaso,(lasanod Online)- Roobab dabeylo iyo duufaan wata ayaa ilaa xalay ka da'ayay xeebaha Puntland, gaar ahaan deegaanka Bandar-bayla..
ee goboka Bari iyo deegaanka Eyl ee gobolka Nugaal, iyadoo dooni u rarnayd ganacsato Soomaaliyeed oo ku socotay Muqdisho ay saaka ku degtay xeebaha gobolka Bari.
Goobjoogayaal ku sugan degmooyinkan ay dabeyluhu ku dhufteen ayaa sheegay in khasaare naf oo ay geysteen ayan jirin, waxaase ay sheegeen inuu jiro qof ku dhaawacmay degmada Eyl, kadib markii ay dabayluhu rideen.
"Dabeylo roobab wata ayaa ka da'ay deegaanno ay ku yaalla Puntland oo ay ka mid yihiin Bandar-bayla iyo Baargaal, waxaana saaka ku degtay meel ku dhow Bandar-beyla dooni u rarnayd ganacsato Soomaaliyeed oo laga leeyahay dalka Bakistaan, kana timid Dubai oo ku socotay Muqdisho," ayuu wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland, Inj. Maxamed Faarax Aadan ku sheegay shir jaraa'id oo uu saxaafadda ugu qabtay magaalaada Boosaaso.
Wasiirku wuxuu sheegay in roobabku ayan geysan khasaare nafeed balse ay yihiin kuwo xooggan, isagoo sidoo kale ugu baaqay dadka ku nool xeebaha Puntland inay feejinaan dheeraad ah sameeyaan caawa iyo berri oo laga yaabo inay duufaanku sii socdo.
Dabaylahan roobabka wata oo lagu magacaabo tropical cyclone (4) ayaa waxaa ka digey hay'ad saadaalisa cilimada oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka, iyadoo ay wararka qaarkood sheegayaan in duufaankan laga yaabo inay ku baahdo xeebaha Soomaaliya oo dhan.
|