Mudaharaadyo Ka Dhan Ah Faroole Oo Markale Ka Dhacay Gaalkacyo-
Lasanod Online. Tuesday, December 25, 2012


 

Gaalkacyo,(lasanod Online)- Mudaaharaadyo aad u ballaadhan oo ay ka soo qaybgaleen Dhalinyaro, Haween, Ardeyda dugsiyada, iyo waxgarad kale

ayaa maanta ka dhacay xarunta gobolka Mudug.

 Mudaaharaadkan ayaa ahaa mid nabadeed si nabad ah ku bilowdey kuna dhamaadey, waxaa mudaaharaadku ahaa kii labaad oo 24 saac gudahood ka dhaca magaalada Gaalacyo

Dadka mudaaharaadayayey ayaa socod ku yimid bartamaha magaalada Gaalkacyo, halka la yiraahdo gurigii hore ee Gobolka, ma jirin ciidamo Boolis ah oo ilaalinayey nabadgelyada dadka mudaaharaadaya, dadku iyaga ayaa is xilqaamey, mid kamid ah dadkii mudaaharaadayey oo la weydiiyey sababta wax boolis ah u ilaalin waayeen dadka mudaaharadaya ayuu si kaftan ah ku yiri “Ma in ay na laayaan ayaad rabtaa, kuwaas mudaaharaad waxba kama yaqaaniin dadkana rasaas un bay ku furaan inay ilaaliyaan iska dhaafe”.

Markii dadka banaanbaxayey soo gaadheen barxadda Gurigii hore ee gobolka, waxaa halkaas khudbado ka jeediyey waxgarad kala duwan kuwaas oo ka hadley muddo kororsiga xukuumadda Faroole, iyo xariga loo geystay qaarkamid ah nabadoonada Puntland iyo waxgarad kale, kuwaas oo u xiran aragtida ay qabaan xabsiga Garowena ku jir iyaga oo aan wax maxkmad ah la geyn.

Dadweynuhu waxay ku dhawaaqayeen hadalo ka dhan ah xukuumadda Faroole, waxaana ka mid ahaa “waqtigiina waa dhamaade na dhaafa”, “Puntland gacantiina yey ku bur-burin”, “nabadoonada la xirey xal maaha ee waa xiisad abuur” iyo hadalo kale oo badan.

Copyright © 2013 Lasanod.com

 

Maqal iyo Muuqaal










Lasanod Advertising
LasAnod.com© All rights reserved., Design by Sheelco,Inc.
Contact Webmaster at: admin@lasanod.com