Boqortooyada Sacuudiga Oo Mashaariic Ka Hirgelisay Dalka Somalia-
Lasanod Online. Sunday, June 09, 2013


 

Muqdisho,(lasanod Online)- Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo xubno ka tirsan..

golaha wasiirada ayaa maanta ka qayb galay xaflad lagu daah furayey mashaariic ay dowladda Sucuudigu ugu deeqday Soomaaliya oo uu hirgalinayo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Mashaariicdaan ayaa waxaa ku baxaya sida la sheegay lacag gaaraysa 72 milyan oo doolar waxaana wajigiisa koowaad oo maanta bilowday ku baxay 24 milyan oo doolar, iyadoo wax looga qabanaya lacagtaas arrimaha Caafimaadka, Waxbrashada, Biyaha, Beeraha iyo Arrimaha Bulshada.

Wakiilka Ururka Islaamka u fadhiya Soomaaliya Mudane Axmed Maxmed Aadan ayaa sheegay in dowladda Sucuudiga maal galinayso mashruucaan oo noqon doona sadex waji, iyadoo laga hirgalinayo dhamaan goboladda Dalka.

“Ururka Iskaashiga Islaamku wuxuu diyaar u yahay inay kaalin mug leh ka qaadataan dib-u-dhiska Soomaaliya, mashruucaana waxaa wajigiisa kowaad laga hirgalinayaa gobolada dalka, waxaana horay Ururka Iskaashiga Islaamku 11 gobol oo dalka ah ka qoday 50 ceel” ayuu yiri wakiilka OIC oo dhanka kale sheegay in looga baahan yahay dowladaha ku jira Ururka inay qaataan kaalin la mid ah tan uu qaatay Sucuudigu si looga qayb qaato dib-u-dhiska Soomaaliya”.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdullahi Cilmooge Xirsi oo wasaaradiisu marti galisay kulanka ayaa sheegay in Ururuka Iskaashiga Islaamku uu yahay kan labaad ee ugu weyn caalamka, waxaana xubno ka ah 57 dowladood, waana Urur u taagan u gar-gaarida Muslimiinta, mashrucaan aadka u balaaran oo ay ka fulinayaana Soomaaliyana uu qayb weyn ka qaadan doono xasilinta dalka.

Ra'iisal wasaaraha ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Ururka Iskaashiga Islaamka kaalinta uu ka qaadanayo fududaynta iyo isku dubaridka mashaariicda bani’aadanimo iyo hormarineed ee laga fulinayo Soomaaliya.

Copyright 2014 Lasanod.com

 

Maqal iyo Muuqaal










Lasanod Advertising
LasAnod.com© All rights reserved., Design by Sheelco,Inc.
Contact Webmaster at: admin@lasanod.com