Ciidamada Maamulka Jubaland Oo Si Buuxda Ula Wareegay Kismaayo-(Maqal)-
Lasanod Online. Saturday, June 08, 2013


 

Kismaayo,(lasanod Online)- Ciidamada taabacsan maamulka Jubaland ee uu hogaamiyo Shiikh Axmed Max’ed Islaan (Axmed Madoobe),

ayaa maanta si buuxda ula wareegay gacan ku heynta magaalada Kismaayo, kadib dagaal qadhaadh oo ay gudaha magaalada kula galeen ciidamo taabacsanaa Iftiin Xasan oo ka mid ahaa masuuliyinta sheeganaysa madaxweynaha Jubbaland.

Dhegayso Warbixin

Dagaalkii maanta oo ahaa mid aad u xooggan ayay labada dhinac isu adeegsadeen hub aad u culus, waxaana dagaalkaasi uu sababay dhimashada in ka badan 10 qof iyo dhaawaca ku dhawaad 20 qof, kuwaasoo isugu jira dad rayid ah iyo dhinacyadii dagaalamayay.
 
Ciidamada maamulka Jubaland ayay u suurogashay in ay la wareegaan gacan ku haynta magaalada, kadib dagaal kulul oo qaatay ku dhawaad laba maalmood oo ay la galeen ciidamo uu horkacayay Iftiin Xasan Baasto oo isagu kamid ah masuuliyiinta sheeganeeysay xilka madaxtinimo ee maamul goboleedka Jubbaland.
 
Dagaalkii maanta ayaa ka duwanaa kii shalay, waxaana uu socday in ka badan shan saacadood, iyadoo dagaalkii maanta uu sababay khasaarooyin lixaad leh iyo bur bur xooggan oo soo gaadhay qaar kamid ah dhismayaasha ku yaal halkii uu dagaalka ka qarxay.
 
Xaafadda Calanleey gaar ahaan waaxda V-Afmadow ayaa ahayd halka uu ka dhacay dagaalkii ugu xoogga badnaa, waxaana jiro goobo ganacsi iyo guryo ay leeyihiin dad rayid ah oo ku burburay dagaalkii ka dhacay halkaasi.
 
Madaxweeyne ku xigeen Jubbaland C/laahi Shiikh Ismaaciil Fartaag oo dagaalka ka dib shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ay magaalada ka saareen kooxo uu ku tilmaamay Al-shabaab, wuxuuna ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay hubeeysan kooxahaasi.
 
Masuulkan ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen laba nin oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo uu xusay in ay ka qeybqaadanayeen dagaalkii maanta ka dhacay Kismaayo.
 
Xaaladda magaalada ayaa dagan walow ay jirto cabsi laga qabo in ay mar kale soo rogaaal celiyeen ciidamadii looga itaal roonaaday dagaalkii maanta, waxaana dagaalkii maanta uu saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii kala duwanaa ee shacabka reer Kismaayo.

 

 

 

Source: HOL


Copyright © 2014 Lasanod.com

 

Maqal iyo Muuqaal










Lasanod Advertising
LasAnod.com© All rights reserved., Design by Sheelco,Inc.
Contact Webmaster at: admin@lasanod.com