Dagaal Ka Qarxay Magaalada Kismaayo-
Lasanod Online. Friday, June 07, 2013


 

Kismaayo,(lasanod Online)- Dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka dhacay magaalada Kismaayo,

iyadoo dagaalkani uu u dhexeeyay ciidamo beeleed taageersan dowladda Soomaaliya iyo ciidamada maamulka Jubaland ee Shiikh Axmed Madoobe.

Dagaalkan oo ahaa mid ay labada dhinac isu adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan ayaa yimid kadib markii ciidamada maamulka Kismaayo ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamo beeleedkaasi ku lahaayeen xaafadda V-afmadow ee magaalada Kismaayo.

Sarkaal ka tirsan maamulka Jubaland ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen kooxo uu sheegay in ay jidgooyo dhigteen wadada dheer ee aada garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Ilaa imika ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, mana jiraan masuuliyiin ka tirsan dhinacyadii dagaalamay oo faahfaahin ka bixiyay dagaalka iyo weliba khasaaraha ka dhashay.

 

Copyright 2014 Lasanod.com

 

Maqal iyo Muuqaal










Lasanod Advertising
LasAnod.com© All rights reserved., Design by Sheelco,Inc.
Contact Webmaster at: admin@lasanod.com