"Maaha Wax Sahlan In Somaliland Wadan Madaxbanaan Loo Aqoonsado" Siilaanyo-
Lasanod Online. Thursday, June 06, 2013


 

Hargeysa,(lasanod Online)- Madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo oo waraysi siiyay Tv-ga Al-Jazeera..

ayaa sheegay in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan aysan ahayn mid fudud, balse caalamka ay kala dhexeyso wadashaqeyn dhab ah.

Siilaanyo ayaa wareysigiisa ku sheegay in Somaliland ayan dib ula midoobi doonin Soomaaliya, balse ay sii wadi doonaan wadahadallada kala dhexeeya dowladda Soomaaliya si ay wadashaqeyni u dhexmarto.

“Somailland ma helin wax aqoonsi tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, wax fududna ma ahan in aqoonsi aan helno, balse beesha calaamku si dhab ah ayay noola shaqeysaa. Taasina waxay muujinaysaa inaanan caalamka ka go’nayn. Anigu waxaan aadaan dalkii aan doono oo caalamka ah, iyaguna way noo yimaadaan, taageero aan helnaa waala la shaqeynaa caalamka,” ayuu kaga jawaabay Siilaanyo sababta loo aqoonsan la’yahay muddo 22-sano ah.

Maamulka Somaliland ayaa 22-sano ka hor ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, iyadoo aan weli helin wax aqoonsi ah, taasoo caqabad ku noqotay in Somaliland ay noqoto dal madax-bannaan oo Afrika ka tirsan.

 

Copyright 2014 Lasanod.com

 

Maqal iyo Muuqaal










Lasanod Advertising
LasAnod.com© All rights reserved., Design by Sheelco,Inc.
Contact Webmaster at: admin@lasanod.com