Puntland oo Shaacisay Inay Qabteen Sarkaal Ka Tirsan Al-Shabaab-
Lasanod Online. Wednesday, June 05, 2013


 

Bosaaso,(lasanod Online)- Wasaaradda amniga ee Puntland ayaa shaacisay magaca nin la sheegay in uu yahay sarkaal sare..

oo ka tirsan ururka Al-shabaab, kaasoo shalay ay ciidamada ammaanku howlgal ay magaaalada Boosaaso ka sameeyeen kusoo qabteen.

Wasiirka wasaaradda amniga Col. Khaliif Ciise Mudan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in magaca saddexan ee ninkani uu yahay C/kaafi Maxamed Cali, da'diisuna ay tahay 25-jir, islamarkaana uu xilligan ku jiro Cusbitaalka guud ee Boosaaso, halkaas oo dhaawac shalay soo gaadhay lagu dabiibayo.

Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa dhinaca kale ka warbixiyey howlgallo 24-tii saac ee lasoo dhaafay ka socday xaafadaha kala duwan ee magaalada, kuwaas oo lagu qaqabtay tobanaan qof oo dhalinyaro u badan.

Wuxuuna sheegay in howlgalladu ay yihiin kuwo lagu baadi goobayo dad uu tilmaamay in ay ammaanka khatar ku yihiin, oo qarkoodna la tuhunsan yahay in ay wada-shaqeyn dhow la lahaayeen ninka -la sheegay in uu ka tirsan yahay saraakiisha Al-shabaab- ee ay shalay ciidamadu faras magaalada Boosaaso ka qabteen.

Copyright 2014 Lasanod.com

 

Maqal iyo Muuqaal










Lasanod Advertising
LasAnod.com© All rights reserved., Design by Sheelco,Inc.
Contact Webmaster at: admin@lasanod.com