Xaflad Lagu Taageeray Maamulka Jubaland Oo Lagu Qabtay Toronto-(Sawiro)-
Lasanod Online Wednesday, June 05, 2013


 

Toronto,(lasanod Online)- Waxaa habeennimadii sabtida ee June,1,2013. lagu qabtay Hoteelka weyn ee SHERATON ee galbeedka magaalada TORONTO,

xaflad si heer sare ah loo soo qabanqaabiyey oo in muddo ah la sugayey, waxayna ahayd munaasabad lagu taageerayey oo loogu hambalyeynayey dawlad goboleedka JUBBALAND oo dhowaan looga dhawaaqay magaalada KISMAAYO.

Xafladan ayaa ahayd ugu dadka badnayd oo in muddo ah magaalada TORONTO ka dhacda, iyadoo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada reer Toronto, iyo weliba dad ka kala yimid magaalooyin kale oo dalka Canada ku yaal, waxaa kaloo iyaguna munaasabadda ka soo qeyb galay dad ka yimid dalka Maraykanka.

 

 

Source: Ogaal Radio

Copyright 2014 Lasanod.com

 

Maqal iyo Muuqaal










Lasanod Advertising
LasAnod.com© All rights reserved., Design by Sheelco,Inc.
Contact Webmaster at: admin@lasanod.com