Booliska Dalka UK Oo Shaaciyey Sawirka Nin Soomaaliyeed Oo La Raadinayo-
Lasanod Online. Tuesday, January 01, 2013

Ibrahim Maygaag

 

London,(lasanod Online)- Booliiska wadanka Ingiriiska ayaa markii ugu horeysay shaaciyey nin kasoo jeeda dalka Soomaaliya oo ay raadinayaan..

kadib markii uu iska soo xaadirin waayey xarunta Booliska, ninkan ayaa loo heystaa inuu xiriir la leeyahay kooxda Al Shabaab oo ka dagaalanta dalka Soomaaliya.

Ibrahim Maygaag oo da’adiisa lagu sheegay 28jir ayaa kamid ahaa labo qof oo ay ciidamada amniga ee Wadanka Ingiriiska isha ku hayeen, isagoo lagu tuhunsan yahay inuu xiriir la lahaa xubno ka tirsan Al Qaida. Ibrahim ayaa hore loogu khasbay inuu asbuuc walba iska xaadiriyo Booliiska, taas oo qeyb ka ah baaritaanka ay dowladu ku wado ninkan, balse waxaa la sheegay in ninkan hada la la’a yahay meel uu jiro, kadib markii iska soo xaadirin waayey goobtii loogu talo galay iyo wakhtigii la sugayey.

Booliiska ayaa sheegay in ay rumeysan yihiin in ninkan uu baxsaday isla markaana la filayo inuu isku dayayo inuu wadanka Ingiriiska ka baxo, arrintaasi ayaa keentay in Booliiska Markii ugu horeysay ay shaaciyaan sawirkan ninkan dhalinyarada ah oo Soomaaliya kasoo jeeda.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee dalka Ingiriiska haweenayda lagu magacaabo Theresa May ayaa ka codsatay Maxkamada dalkaasi in Booliiska ay shaacin karaan sawirka iyo magaca ninkan oo asagu aan weli maxkamadi ku xukumin wax danbi ah.

Ciidamada Amniga ayaa shacabka Ingiriiska u sheegay inay soo wacaan telefoonka 999 hadii ay arkaan ninkan, waxayna sheegeen in goobtii ugu danbeysay ee Ibrahim lagu arko ay ahayd xaafada Camden ee magaalada London.

 

Copyright 2014 Lasanod.com

 

Maqal iyo Muuqaal










Lasanod Advertising
LasAnod.com© All rights reserved., Design by Sheelco,Inc.
Contact Webmaster at: admin@lasanod.com