Dagaal Ka Dhacay Deegaanka Xudun-(Maqal)-
Lasanod Online. Monday, December 31, 2012


 

Laascaanood,(lasanod Online)- Waxaa caawa fiidkii dagaal ka qaraxay deegaanka Lafaweyne oo ka tirsan degmada Xudun.

Dagaalkan ayaa dhexmaray ciidamada Khaatumo State iyo Maleeshiyada Somaliland.

Wararku waxay sheegayaan ciidamada Khaatumo weerar ku qadeen goob ay deganyihiin Maleeshiyada Somaliland.

Wararka kasoo baxaya dhinaca Khaatumo State ayaa sheegaya inay khasaare lixaad leh gaadhsiiyeen Maleeshiyadaas, waxayna sheegeen inayan jirin khasaare soo gaadhay Dhinacooda.

Goobtan caawa dagaalku ka dhacay ayaa ah meeshii maleeshiyada Somaliland ka fulisay fal waxshinimo ah oo ahaa kufsi iyi dil gabadh yar oo kasoo jeeda deegaanka Xudun.

Shacabka ku nool agagaarka goobtaas dagaalku ka dhacay ayaa xaqiijiey inay maqaleen diryaan hubka lays wadaarsanyo, iyagoo xusay inay arkeen dab ka ka kacay xerada maleeshiyada Somaliland oo loo maleenayo inuu yahay gaadiid gubanaya.

 

Halkan Ka Dhegayso Taliyaha Ciidamada Khaatumo

 

Copyright 2014 Lasanod.com

 

Maqal iyo Muuqaal










Lasanod Advertising
LasAnod.com© All rights reserved., Design by Sheelco,Inc.
Contact Webmaster at: admin@lasanod.com