Mudaharaadyo Mar Kale Ka Bilaabmay Boorame-(Video)-
Lasanod Online. Monday, December 31, 2012


 

Boorame,(lasanso Online)- Waxaa maanta mar kale dib uga bilowday magaalada Boorama gudaheeda siiba Faras-magaalaha iyo suuqa weyn..

mudaharaadyo lagu diidan yahay maamulka Siilaanyo iyo wafdiga Saylaci horgalaha u yahay ee ku sugan Boorama.

Ciidamada Siilaanyo ayaa rasaas xoog badan ku riday mudaharadayaasha si ay u kala diraan,meheradaha ganacsiga ayaa badankooda albaabada loo xidhay,xaalada  magaalada ayaa gashay jahawareer iyo fawdo.

Dhinac kale qaar ka mid ah culimada magaalada Boorama ayaa isku deyaya inay dadka dejiyaan oo xaalada degaanansho ku soo dabalaan inkastoo mudaharadayaasha qaarkood sheegeen in xukumadu ka dhex hadlayso culimada markay weyday qaab kale oo ay xaalada kusoo farageliso.

Mudaharadyadan waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac  labadaba, kuwaas oo lagu daweenayo cusbitaalka Boorame.

 

Daawo Video

Copyright 2014 Lasanod.com

 

Maqal iyo Muuqaal










Lasanod Advertising
LasAnod.com© All rights reserved., Design by Sheelco,Inc.
Contact Webmaster at: admin@lasanod.com