|
Aroos:- Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Toronto, Xaflad Aroos labada dhalinyaro ee C/llahi Faarax Ciise iyo Dhama Dahir Maxamed..
Xafladan arooska oo ahayd mid si qurux badan losoo agaasimay ayaa waxaa lagu dhigay hoolka xafldaha ee Forum Banquet Hall.
Cabdillahi Iyo Dhama waxaa halkan tahniyad iyo bogaadin uga diraya ehelkooda iyo qaraabadooda kala jooga daafaha aduunka.
1. Reer Ciise Cabdi
2. Reer Maxamed Mire
3. Reer Siyaad Barre
4. Reer Jaamac Barre
Waxaa Ilaahey looga baryayaa inuu qoyskan cusub ka dhigo kuwii isku badhaadha, ubad khayr qaba kala hela, nabad iyo barwaaqo ku noolaada.. Amiin.
Bahda Lasanod Online uu ugu horeeyo Tifatiraha guud Adam A.Shuriye iyo marwadiisa Khaadija M. Jama iyo hawlawadeena kale waxay halkan tahniyad uga dirayaan Cabdillahi Faarax Ciise Iyo Dhama Daahir Maxamed..
Halkan Ka Daawo Sawiro
|