Mudaharaadyo Rabshado Wata Oo Ka Dhacay Boorame-(Video)-
Lasanod Online. Sunday, December 30, 2012


 

Boorame,(lasanod Online)- Waxa caawa fiidkii mudaharaado rabashado wataa ay ka dhaceen Magaalada Boorame ee gobolka Awdal.

 Rabashadahan ayaa ka dhashay oo lagala hor tegay wafdi uu Hogaminayo Madaxweyne ku Xigeenka mamaulka Somaliland oo soo gaadhay Boorame.

Ilaa hada inta la ogyahay waxa rabshadahan ku dhintay hal Qof, halka laba qof oo kalena ay ka dhaawacmeen.

Waxa sidoo kale uu khasaare balaadhani soo gaadhay Hoteelkii ay deganyihiin Waftigii uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenku C/raxman Saylici.

Dadweynaha mudaharaadaya ayaa gubay Taayiro, isla markaana xidhay Jidadka ka baxa iyo kuwa soo gala Magaalada Boorame, sidoo kale waxay xidheen qaar ka mid ah Jidadka dhexmara Magaalada gudaheeda,waxayna hakad geliyeen isu socodka gaadiidka isaga goosha Gobolada kale iyo Boorame.

 

Daawo Video

Copyright 2014 Lasanod.com

 

Maqal iyo Muuqaal










Lasanod Advertising
LasAnod.com© All rights reserved., Design by Sheelco,Inc.
Contact Webmaster at: admin@lasanod.com