Barlamaanka Somalia Oo Ansixiyey Miisaaniyadda Sanadka 2013-
Lasanod Online. Sunday, December 30, 2012


 

Muqdisho,(lasanod Online)- Xildhibaanada Baarlamanka soomaaliya oo kulan maanta ku yeeshay xarunta Golaha shacabka ayaa loo qaybiyay Miisaaniyadda.

sanadka cusub oo ay wasaaradda Maaliyadda iyo Qorsheyntu ay wax ka bedeshey.

Fadhiga Maanta oo uu shir guddoominayay ku xigeenka 2aad ee Afheyeenka Baarlamanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa soo xaadiray 177 mudane oo ay 176 kamid ah oggolaadeen Miisaaniyadda, islamarkaana uu mid kamid ah ka aamusay mana jirin xildhibaan diiday.

Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta Maxamuud Xasan Suleymaan iyo Guddigii farsamo ee loo xilsaaray talo ka bixinta Miisaaniyadda ayaa si wadajir ah Xildhibaannada warbixin uga siiyay qaabkii ay bedelka uga sameeyeen Miisaaniyadda, iyadoo Wasiirka maaliyadda uu uga mahadceliyay Xildhibannada ansixinta Miisaaniyadda 2013-ka.

Dhowaan ayaa Barlamanka Soomaaliya waxa ay dib ugu celiyeen Wasaaradda maaliyadda Miisaaniyaddaas, iyadoo laga dalbaday inay muddo 30 maalmood gudahood ugu soo gudbiyaan Baarlamanka Miisaaniyadda oo maanta qallinka lagu wada duugay.

Copyright 2014 Lasanod.com

 

Maqal iyo Muuqaal










Lasanod Advertising
LasAnod.com© All rights reserved., Design by Sheelco,Inc.
Contact Webmaster at: admin@lasanod.com