Dawladda Somalia Oo Cashuur Qaadis Ka Bilaabaysa Dalka-
Lasanod Online. Sunday, December 30, 2012


 

Muqdisho,(lasanod Online)- Wasiirka Maaliyadda Dawladda Soomaaliya Max’uud Xasan Suleymaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu socdo.

qorshe lagu billaabayo qaadista Cashuuraha dalka.
 
Wasiirka ayaa xusay in muddo dhowr todobaad ah Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku mashquulsanayd sidii ay u biilaabi lahayd inay Cashuur qaadis ka bilaawdo Magaalada Muqdisho iyo Gobollada Dalka Soomaaliya.

Wuxuuna Carabka ku dhuftay in Cashuuraha ay dowladdu qaadeyso ay ku dhaceyso Bangiga dhexe ee Soomaaliya, isagoo xusay in Cashuuraha la qaadayo dowladda ay dib udhis ugu sameyneyso waddanka oo ku burburay Dagaalada Sokeeye.
 
Wasiirka ayaa sheegay in Cashuuraha la qaadayo ayan ku dhacayn Gacan shakhsiya ayna maamaulayso Wasaaradda Maaliyaddu.
 
Dhawaan ayey ahayd markii Golaha Wasiirada kulan ay ku yeesheen Muqdisho ay ku ga’aamiyeen in cid aan ahayn Wasaaradda Maaliyadda aanay qaadi karin wax Cashuuro ah.

Copyright © 2014 Lasanod.com

 

Maqal iyo Muuqaal










Lasanod Advertising
LasAnod.com© All rights reserved., Design by Sheelco,Inc.
Contact Webmaster at: admin@lasanod.com