C/weli Gaas Oo Iska Casilay Barlamaanka Soomaaliya-
Lasanod Online. Saturday, December 29, 2012


 

Muqdisho,(lasanod Online)- Waxaa fadhigii maanta ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya lagu dhaariyey laba xildhibaan oo cusub..

kuwaas oo bedelay Cabdiweli Cali Gaas iyo Xuseen Khaliif Xaaji Jaamac

Yaasiin Cabdi Seed ayaa lagu badelay Ra'iisalwasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiweli Cali Gaas oo isagu iska casilay Xildhibaanimada Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale Xuseen Khaliif Xaaji Jaamac ayaa lagu bedelay isagana Xildhibaan cusub oo lagu magacaabo Cabdirashiid Muuse Nuur.

Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya waxaa kamid noqday Qurbajoog badan iyo ganacsato, kuwaas oo markii hore raadinayey Madaxweyne, Raysalwasare iyo Wasiiro, laakiin markii ay waayeen xilalkaas ay u cadaatey in ayan ka qayb-qaadan karin fadhiyada iyo doodaha baarlamaanka.

Waxaana la filayaa dhowaan inay kuwo badani ka tanaasulaan, Xildhibaano kale oo cusubna loo dhaariyo boosaskaas, kuwaas oo beddeli doono xubnaha aan ka qaybqaadan karin shaqooyinka Baarlamaanka.

 

Copyright 2014 Lasanod.com

 

Maqal iyo Muuqaal










Lasanod Advertising
LasAnod.com© All rights reserved., Design by Sheelco,Inc.
Contact Webmaster at: admin@lasanod.com