|
LOndon,(lasanod Online)- Sida lagu daabacay Wargeys kasoo baxa dalka Britain, waxaa sanadkii dhamaaday ee 2012 Geeriyooday Saxufiyiintii..
ugu badnayd Caalamka, kuwaas oo lagu sheegay tiradooda 121 Saxufi oo ka hawl gala Daafaha Dunida.
Waddanka Syria ayaa la sheegay in uu noqday meesha ugu badan ee lagu daadiyey dhiiga Saxufiyiinta
Geerida Saxafiyiintaan ayaa ku timid sababo kala duwan oo loo badinayo bartilmaameysi toos ah iyo dhacdooyin kale oo ay la kulmeen iyagoo ku guda jira hawshooda shaqo
Sanadkaan marka loo eego sanadihii ka horeeyay ayaa waxa udhexeeya farqi badan, waaayo sanaddii 2011 waxaa geeriyooday illaa 107 Saxafi.
Syria oo keliya waxaa ku dhintay 35 Saxufi Sanadkii aan ka soo gudubnay ee 2012, kuwaas oo wargeysku uu ka xusay Saxafiyaddii caanka ahayd Kalfin ee iyadu ka tirsaneed wargeyska Sanday Times ee ka soo baxa dalka Britain.
Waddanka Soomaaliya ayaa warbixinta lagu sheegay in 18 ka mida saxafiyiintaasi ay ku geeriyodeen, kuwaas oo intooda badan lagu weeraray gudaha dalka Soomaaliya.
Warbixinta ayaa xustay in dhamaan Saxufiyiinta la weeraray ulajeedada ka dambeysaa inay tahay si loo aamusiyo Saxaafadda Xorta ah.
Dalalka Mexico iyo Pakistan ayaa la xusay in illaa 10 Saxufi ay ku geeriyoodeen, halka Philipine iyo Ciraaqna ay ku dhinteen illaa 5 Saxufi.
|