|
Qardho,(lasanod Online)- Magaalada Qardho ayaa waxaa ka taagan xiisadi ka dhalatay kadib markii ay halkaas ay gaadheen ciidamo uu hogaaminayo..
Taliye kuxigeenka Booliiska Muxiidiin Gacmey, kuwaas oo watay gaadiidka dagaalka.
Ciidamadan ayaa la sheegay inay magaalada u tageen inay soo qabqabtaan Odayaal iyo Nabadoono dhawaan dib uga soo noqday magaalada Garowe oo maalmahan ku sugnaa magaalada Qardho.
Hore ayuu maamulka Faroole amar uu soo saaray ku sheegay in deegaanada Puntland ayan wax shirar ah ku qabsan karin nabadoonada, hadii aan wax fasax ah laga haysan maamulka.
Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Puntland oo dhowaan hawlaheeda uu la wareegay Wasiirkuxigeenka Cali Xoosh ayaa amaro ay u kala dirtay Degmooyinka Puntland, uguna sheegtay inay tilaabo ka qaadaan dadka kasoo horjeesta amarada Faroole.
Arrintan waxaa hore ugu gacanseedhay odayaasha magaalada Qardho oo sheegay inaan loo hanjabi karin dadka magaalada ku sugan iyo waliba Nabadoonada dhawaan halkaas gaadhay.
Ciidamada uu watay Taliye kuxigeenka Booliiska ayaa hada ku sugan Saldhiga Booliiska, waxaana magaalada laga dareemayaa xiisad amaan daro..
|